Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii labaad ku fashilmay in la hor geeyo Miisaaniyadda dowladda, si uu uga doodo, kadibna u ansixiyo.
Miisaaniyadda dowladda 2019 ayaa xalay waxaa saxiixay meelmarinteeda madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo aan la hor geynin Aqalka Sare oo shalay shir gaara oo ay yeesheen si gaara uga dooday Miisaaniyadda, isla markaana dood kulul dhex martay.
Aqalka Sare ayaa sanadkii 2017 awood isu siiyey inuu ansixiyo miisaaniyadda dowladda oo aan hore uga mid ahayn shaqooyinkiisa, waxayna meel mariyeen qodob cusub oo ay awooddooda ku darsadeen, laakiin Baarlamaanka federaalka ayaa labadii Miisaaniyadood ee 2018 iyo 2019 toos ugu diray madaxweynaha, waxaana fashilmay olole Aqalka Sare u galay in la hor keeno miisaaniyadda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa shalay looga yeeray Madaxtooyada, iyadoo wararku sheegayaan in arrintan lagala hadlay, taasoo keentay in laga hoos bixiyo sanadkii labaad miisaaniyadda dalka.