Wararkii ugu dabeeyay ee shirka Madasha Qaran uga socda magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la isla gartay xubno magaalada Muqdisho laga siiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub.
Ilo xogogaal ah ayaa Goobjooge.com u sheegay in 15 xubnood loo qoondeeyay Gobolka Banaadir, laakiin la isku hayo sida loo qeybsanayo xubnahaasi.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ku doodaya in xubnaha cusub ee lagu kordhinayo ay ku yimaadaana magaca Gobolka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho, laakiin waxaa arrintaasi ka hor jeeda C/weli Gaas oo ku doodaya in Gobolka Banaadir aanu ahayn maamul goboleed.
C/weli Gaas ayaa soo jeediyay in 15-ka xubnood loo qeybsado qaab beeleed oo Soomaali oo xubno ka helaan maadama caasimadda ay tahay meel Soomaali u dhaxeysa, waxaana arritan ay keentay in ka isku mari waayo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan waanwaan ka galay si laba dhinac tanaasul looga helo, loogana gudbo caqabadan hortaagan shirka Madasha.
Goobjooge.com