Waxaa magaalada Kismaayo shir uga furmi doonaa Wasiirada amniga iyo Taliyeyaasha ciidamada afarta maamul Goboleedyo Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo K/Galbeed, kasoo daba jooga shirkii dhowaan ku soo idlaaday magaalada Garowe.
Shirkan ayaa looga hadli doonaa dhismaha ciidamo ay leeyihiin maamul goboleedyadda oo lagu heshiiyey inay noqdaan 4000 Askari. Ciidamadan ayaa la sheegay inuu taliskoodu noqon doono magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa markii uu ku laabtay magaalada Kismaayo wuxuu sheegay in Wasiirada Amniga iyo Taliyaasha Ciidamada maamul Gobaleedyada, waxaana la sheegay in arrimaha ciidamada maamul Goboleedyada loo xil saaray Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe oo ahaa madaxweynaha maamlul Goboleedka ee aan wax xil ah loogu magacaabin shirkii Garowe ayaa xog hoose sheegeysaa inuu isagu watay qorshaha ciidamada isku dhafka ah ee Maamul Goboleedyada, isla markaana isagu ka noqon doono taliyaha qarsoon ee ciidamadaasi, inkastoo aan la ogeyn inay suuragal noqon doonto dhismahooda.