Sunday, July 13, 2025

XOG: Axmed Madobe & Xaaf oo ka baaqsaday kulamadii Garowe & Shirkii oo Qarka u saaran in lagu kala tago

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Galmudug Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle ay ka baaqsadeen kulamadii xalay ee shirka Wadatashiga magaalada Garowe, kadib eedo ay ka tirsadeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo mudd toddobaad ku dhow ka socday magaalada Garowe ayaa lagu guuleysan waayey in xal looga gaaro arrimo xasaasi ah oo looga hadlayey, waxaana Axmed Madoobe iyo Xaaf ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso maamulladooda, ayna mas’uul ka tahay dhibaatooyinka ka jira labadas maamul.

Labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Galmudug oo wajahaya doorashooyin ay ka cabsi qabaan inay xilalka ku waayaan ayaa dadaal ugu jira muddo kordhin ama inay dib u soo laabtaan, waxaana arrintaasi ka hor yimid madaxda dowladda Soomaaliya oo ku adkeystay in doorashada labadaas maamul ay xilligeeda ku dhacdo.

Khilaafka ugu dambeeyay waxaa shirka Garowe ka qarxiyey Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay qas ku heysto maamulkiisa, isla markaana ay magaalada Kismaayo u dirtay musharax hubeysan (C/naasir Seeraar) si uu nabadgelyo darro uga rido magaalada Kismaayo, taasoo kusoo beegantay shaqaaqadii shalay ka dhacay garoonka magaalada Kismaayo [Akhriso].

Kulamadii xalay ayaa wax go’aan ah lagu gaarin, waxaana fashilmay dadaal lagu doonayey in wax uun la isku raaco shirka si aanu u noqon midkii ugu horeeyay ee madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ku kala tagaan, laakiin waxaa hareeyay tallaabada ay qaadeen Axmed Madoobe iyo Xaaf.

Shirka ayaa u muuqda in lagu kala tegayo, iyadoo dad badan ay ka digayaan in taasi laga dhaxli doona xaaladda oo kasii darta. Madaxweynaha martida loo yahay ee Puntland ayaa dadaal ugu jira in la helo qodobo ay madaxda sharaftooda ku dhowrtaan si wejiyada loo kala qaado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON