Monday, June 23, 2025

XOG: Basiira mise Maryan- Dhagartii ay maleegtay Indhooshii loo naxariistay. [Dhageyso Baarista]

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laba haween ah ay ku lug lahaayeen qaraxii 24-kii July ka dhacay guriga dawladda Hoose ee Muqdishu oo lagu dilay Duqii Muqdisho iyo siddeed qof oo kale.

Dawladda ayaa sheegtay in gabadha Isa soo miidaamisay ay qabtay baahiyaha gaarka ah, isla markaana ay ku takri-fashay caaddifaddii loo hayey. Dawladda waxay Sidoo kale sheegtay In labada haweenka ah ay qaateen fasaxyo isku dhow isla markaana ay u safreen dhulka ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale dawladdu sheegtay in baadhitaankii loo baahnaa aan la marsiin markii la shaqaalaynayey labada dumarka ah.

Ad

Haddaba dawladda Soomaali ma shaacin magacyada labada dumarka ah, laakiin baadhitaan uu samaysay Barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da ayaa lagu ogaaday In labada gabdhood ay magacyo khalad ah siiyeen dawladda markii la shaqaalaynayey.

Gabadha is aarxisay siday ay hay’adaha amnigu sheegeen waxay in muddo ah isticmaalaysay magaca Basiira Cabdi Maxamed, laakiin magaceeda dhabta ah waa “Maryan Cabdi”, Gabadha labaad ayaa iyana ku shaqaynaysay magaca “Deggan”, hase yeeshee magaceeda dhabta ah waa “Hodan”. Waxay Sidoo kale Hodan ka been sheegtay iskuulka ay dhiganaysay markii shaqada la qorayey.

Hodan Waxa la aaminsan yahay inaysan ku dhiman weerarka, ayna u baxsatay dhulka ay Al-Shabaab ka taliyaan.

- Advertisement -

Waxaa kaloo la ogaaday In markii ay fasaxa qaateen ay ku horraysay Hodan, kadibna Maryan, ayna soo laabatay maalmo ka hor dabbaaldegyadii Maalmaha xorriyadda. Maryan ayaa ku dadaashay inay ka qaybgasho munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo labadaba Madaxweynuhu ka qaybgalay, hase yeeshee waxaa baaritaan ku jira inay doonaysay in madaxweynaha ay bartilmaameedsato iyo in kale?!!.

Warar dhinaca amniga ah waxay sheegeen In la bixiyey digniino ku saabsan dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn. Ma cadda In labada dumarka ah si gaar ah loo xusay.

Saraakiishu waxay Sidoo kale aaminsan yihiin In Allaha u naxariisto guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu lacag dhan 10,000 Doollar uu siiyey Maryan markii ay u sheegtay inay dhakhtar u aadeyso dalka India ah taasi oo been noqotay, siday xogaha amnigu sheegeen, taas bedelkeedna ay aaday dhulka ay ka taliso Alshabaab.

Maalinta qaraxa dhacay ayaa la xaqiijieyy inaan labada gabdhood midkoodna lagu samaynin wax baaritaan ah, ayna tageen xafiiska guddoomiyaha iyagoo codsanaya inay la kulmaan balse loo sheegay inuu mashquulsan yahay.

- Advertisement -

Saraakiisha amnigu waxay aaminsan yihiin in qaraxu ku xirnaa Maryan (Basiiira.) Labada gabdhood ayaa soo galay dhismaha Ilaa saddex saac ka hor xilliga qaraxu dhacay.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXINTA UU DIYAARIYEY HAARUUN MACRUUF

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON