Kulamo xiriir ah oo u socday xildhibaanada kasoo jeeda beesha Absame iyo madaxda dowladda Federaalka ayaa isku mari waayay Qodob ku saabsan go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay arrintii C/kariin Qalbidhagax.
Dooda ku saabsan kiiska Qalbi dhagax ayaa waxaa saameyn ku yeeshay wasiirada xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaannada labada aqal, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka.
Xildhibaannada Absame ayaa dood dheer kadib ka tanaasulay arrimo dhowr ah, waxayse ku dhegan yihiin inay xukuumadda ay ka noqoto, dibna u eegto qodobka ku saabsan Jabhadda ONLF ay tahay argagixiso, iyagoo ku dooday in arrintasi ay dariiqa u fureyso dad badan oo beesha ka mida in lagu ugaarsado gudaha Soomaaliya.
Arrintan oo wax ka qabashadeeda lagu wareejiyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu go’aan kama danbeys ah siin waayay xildhibaanada, inkastoo uu balanqaad aan caddeyn uu bixiyay.
Kiiska Qalbidhagax ayaa weli jiitamaya iyadoo Baarlamaanka Federaalka aanay u suuragelin inuu go’aan ka gaaro markii uu kooram la’aan u qabsoomi waayay, isla markaana Aqalka sare uu dib ugu celiyay Golaha shacabka.