Monday, July 14, 2025

XOG: Beesha Cadaado oo Go’aan adag qaadatay iyo Amar la dul dhigay xildhibaanadii tegay Cadaado

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in kulamo iyo shirar kala gaara oo halkaasi xalay oo dhan ka socday inaan wax natiijo ah kasoo bixin.

Wafdi ka tirsan xildhibannada labada gole ee Beela H/Gidir oo magaalada Dhuusamareeb shalay laga diray ayaa xaalad adag ku qabsatay magaalada Cadaado, markii waxgaradka Beesha Cadaado ay xaaladda ku adkeeyeen, waxayna si gaara kulan ula qaateen xubanha kasoo jeeda beesha Cadaado oo ay ka dalbadeen inaysan tegin Dhuusamareeb.

Xubnaha xalinta cabashada Beesha Cadaado u tegay Magaalada Cadaado waxaa ka mida: Gudoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare Abshir Bukhari, Senator Cabdi Qeybdiid, Wasiir Axmed Qoorqoor (hore uu sugnaa Cadaado), Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon yare, Xildhibaan Warsame Joodax, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Waxgaradka beesha Cadaado ayaa ku adkeystay inaysan ka qeybgelin munaasbadda midowga Galmudug ee madaxda Soomaalida u joogto magaalada Cadaado, iyagoo sheegay inaysan suuragal ahayn aqbalidda heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna iyadoo aan xal loo helin qodobbo cadcad oo beesha Cadaado ay ku dhegan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in Senator Bukhaari, Wasiir Qoorqoor iyo Xildhibaan Abtidoon yare  oo ka soo jeeda beesha Cadaado la dul dhigay amar ah inaysan tegin shirka Dhuusamareeb, taasoo la sheegay inay ku qasbanaadeen talada iyo amarka beeshooda.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON