Tuesday, July 15, 2025

XOG: Beesha Daarood oo ku fashilantay inay hesho jagada Guddoomiyaha Aqalka Sare

Beesha Daarood ayaa ku fashilantay inay hesho jagada Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baaralamaanka, kadib markii arrintaasi ka hor timid miisaanka awood qeybsiga beelaha.

Maamulka Puntland oo arrintan hormuud u ahaa ayaa hore u soo sharxan inuu xilka Guddoomiyaha Aqalka sare qabto Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille), taasoo markii dambe socon weyday.

Kursigan ayaa hadda waxaa loo qoondeeyay Somaliland, iyagoo laga eegay miisaanka afar beelood ee waaweyn oo mid kasta ay ku soo baxeyso mid ka mida xilalka ugu sareeya fulinta iyo sharci dejinta oo kala ah:

  • Madaxweynaha
  • Ra’iisal wasaaraha
  • Guddoomiyaha Golaha Shacabka
  • Aqalka Sare

Beelaha Daarood iyo Hawiye ayaa ku loolami doona jagooyinka labada guddoomiye ku xigeen ee Aqalka sare iyagoo soo sharxaya musharixiin ka socota beelaha yaryar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON