Sunday, June 29, 2025

XOG: C/raxmaan Yariisow oo u sharxan in dib loogu magacaabo Wasiirka Warfaafinta Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa u sharxan in dib loogu magacaabo wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya xilkaasi oo uu banneeyay Janaayo 2018.

Yariisow oo mudaddii sanadka ka badneyd ee uu hayey xilka Guddoomiyaha Gobolka Bnaadir noqday guddoomiyihii ugu waxqabadka yaraa, balse si weyn taageero uga heystay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka badbaaday dhowr jeer oo madaxtooyadu qorsheysay inay xilka ka qaado, isagoo markaas kadib bilaabay inuu fagaare kasta ka amaano madaxweynaha.

Waxqabadka ugu weyn Guddoomiye Yariisow ayaa noqday khudbado uu ka jeediyo shirarka iyo kulamada la isugu yimaado isagoo taageeraya madaxda sare ee dowladda, isla markaana weerar ku qaadaya siyaasiyiinta mucaaradka ah, xilli magaalada Muqdisho ay ku jiro xaalado adag oo amni.

Wararka laag helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha aysan ku faraxsaneyn wasiirka warfaafinta ee xilligan Daahir Maxamuud Geelle oo noqday mas’uul aan diyaar u ahayn inuu ku shaqeeyo rabitaanka madaxdaasi, iyadoo laga dareemay inaan la isku halleyn karin.

Yariisow ayaa laga reebay isku shaandheyn kooban oo shalay lagu sameeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda, taasoo ay ugu wacan tahay inaan la isku raacin qofki bedeli lahaa Yariisow ee noqon lahaa guddoomiyaha G/Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON