Monday, June 23, 2025

XOG: Caqabado ka hor yimid kulankii Farmaajo & Muuse Biixi ee Addis Ababa [Farmaajo oo dib ugu….]

Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo dib ugu laabanaya magaalad Muqdisho, isagoo aan u tegi doonin magaalada Addis ababa.

Farmaajo oo xalay soo gaaray magaalada Jabuuti, wadahadalna maanta la leh madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wararku sheegayaan in Itoobiya ay qabanqaabisay kulan dhex mara isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, laakiin la isku hayo qodobo muhiim ah oo ku saabsan qabsoomidda kulankaasi, taasoo keentay inuu kulankaasi baaqdo.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu mabda’ ahaan aqbalay, soona dhoweeyay inuu la kulmo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, laakiin uu doonay inuu kulanku noqdo mid laba geesood ah oo Itoobiya ay qaadato door ah fududeyn, taasoo ay diidan tahay Somaliland.

Ad

Arrimaha la isku hayo ayaa waxaa ka mida: Cidda dhexdhexaadineysa iyo Heerka kulanka labada dhinac, iyadoo sidoo kale ay jiraan arrimo kale oo ku hor gudban kulanka.

Madaxweyne Famaajo ayaa dib ugu laabanaya magaalada Muqdisho, halka Muuse Biixi uu goor dhoweyd gaaray magaalada Addis ababa, waxaana meesha ka baxay rajadii laga qabay kulanka labada mas’uul.

Dowladda Itoobiya ayaa wada dadaal ay ku dooneyso inuu shirkaasi dhaco, iyadoo saacadaha soo socda uu soo bixi doono go’aanka ugu danbeeya, kaasoo u muuqda mid aan miro dhal noqon doonin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON