Tuesday, June 24, 2025

XOG: Ciidamo Itoobiyaan ah oo la geynayo Magaalada Dhuusamareeb & Awoodii Ahlu suna oo Qarka u saaran..

Dowladda Somalia ayaa go’aansatay in ciidamo Itoobiyaan ah oo ka mida AMISOM la geeyo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kadib is mari waa muddo u dhaxeeyay Ahlu suna.

Arrintan ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb maanta ka shaaciyey wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, inkastoo aanu caddeyn ciidamada tegaya halkaasi, haddana xogta la helayo ayaa sheegeysa in ciidamo Itoobiyaan ah loo diyaariyey toddobaad ka hor inay tagaan magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadan ayaa noqon doona awood si toos ah uga amar qaadata dowladda Somalia, waxaana wehlin doona ciidamo ka socda Dalka Jabuuti, iyadoo tallaabadan ay halis ku tahay awoodii iyo gacan ku heyntii Ahlu Suna ee magaaladaasi oo muddo 10 sano ka badan ay maamulayeen, haddana qarka u saaraan inay meesha ka baxaan markii inta badan ciidamadoodii ay la wareegtay dowladda Somalia.

Wakiilo ka socda Hoggaamiyaha Ahlu Suna Macalin Maxamuud iyo dowlada Federaalka ayaa wadahadal uga socday magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay ka hor yimaadeen ciidamada dowladda ee la geynayo magaalada, ayna diideen ciidamo ka socda AMISOM in la keeno Dhuusamareeb.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay goobjoog ka noqon doonaan doorashada Galmudug oo ay doonayaan inay si xor iyo xalaal ah u dhacdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON