Wednesday, June 25, 2025

XOG CULUS: Cumar C/rashiid oo culeys lagu saaray inuu ka tanaasulo Kursiga Aqalka Sare

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii heysta Cumar C/rashiid Cali ayaa la sheegay inuu soo wajahay culeys ay beesha caalamka ku saareyso inuu kursiga Aqalk sare ee Puntland u soo sharaxday uu ka tanaasulo.

Wadahadalo wakiilada Beesha caalamka si kala gaar iyo wadajir ula yeelanayeen madaxda dowladda Federaalka ayaa Ra’iisal wasaaraha si toos ah looga dalbaday inuu ka tanaasulo kursiga Aqalka sare oo ay kula tartameyso haweeney lagu magacaabo Aamina Aadan C/llaahi si ay u suuragasho in kursigaasi ay haween qura ku tartamaan.

cumar-crashiidCumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu ka meermeeray arrintan, balse uu balanqaaday inuu tallaabo qaadi doono, taasoo aan la ogeyn inuu tanaasuli doono iyo in kale, arrintan ayaa si hoose loo sheegay inuu wakiilada Beesha caalamka ku shitaaray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa la sheegay inuu wax ka bedel ku sameyn doono liiska musharaxiinta Aqalka sare ee Puntand, iyadoo lagu wado in xubno rag ah laga saari doono liiska si fursad loo siiyo haweenka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON