Friday, June 27, 2025

XOG CULUS: Liiska xildhibaanada Aqalka Sare ee Galmudug, Xisbiyadooda & Beelaha ay kasoo jeedaan [SAWIRRO]

Waxaa soo gabagaboobay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baaralamaanka Soomaaliya kasoo galaya maamulka Galmudug oo ka koobnaa 8 xubnood.

Doorashada oo ahayd tii ugu horeysay ee ka dhacda Soomaaliya, waxay ku qabsoontay jawi degan oo Baarlamaanka Galmudug si hufan uga soo dhalaalay kaalintiisii, waxaana ku soo baxay 8 xildhibaan.

Hadaba waxaa halkan idinku soo gudbineyna magacyada xubnaha Aqalka sare ee Galmudug metalaya iyo beelaha ay ka soo jeedaan iyo kooxaha siyaasadeed ee ay taageersan yihiin:-

xubnaha-aqalka-sare-ee-galmudug441- Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan H/gidir – Waa ganacsade raadraac saxafi leh, hore u soo noqday gacan-yarihii Madaxweyne Sheekh Shariif, wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Aala-sheekh.

2- Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid — Beesha Sacad H/gidir – Waa madaxweynihii hore ee Galmudug iyo hogaamiye kooxeed hore, wuxuu hore u soo noqday taliyihii hore ee Booliska Soomaaliya- taageero ahaan wuxuu taageersan yahay madaxweyne Xasan Sheekh, inkastoo aanu ka mid ahayd kooxda Damjadiid

3- Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) — Murusade – Waa  xildhibaan hore iyo ganacsade siyaasadeed, wuxuu isbaheysi hoos kula jiraa madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo keentay inuu xilkan ku soo baxo.

4-Yuusuf Geelle Ugaas — Beesha Duduble  – Waa xildhibaan hore, soona noqday wasiir ku xigeen dowladii KMG ahayd, haddana wuxuu gacan-saar la leeyahay Xasan Sheekh.

5- Zamzam Dahir Maxamuud — Beesha C/raxmaan Saleebaan Waceysle – Waa xubin ka tirsan xisbiga PDP ee Xasan Sheekh

6- Jawaahir Axmed Cilmi — Beesha Cayr H/gidir – Waxay ahayd xildhibaan ka tirsan federaalka oo gacan-saar la leh madaxweyne Xasan Sheekh.

7- C/waaxid Cilmi Goonjeex — Beesha Mareexaan. Waa siyaasi, soo noqday wasiir iyo kusime Ra’iisal wasaare, waana shaqi dhexdhexaad ah.

8- Abuukar Axmed Xaashi — Beesha Dir  – Waa  xubin ku cusub siyaasadda oo madax bannaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON