Xogta laga helayo magaalada xarunta Madaxtooyad Villa Somalia ayaa sheegaya in hanti dowladeed oo xaruntaasi taallay ay kala qaateen xubno ku dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Hantida la qaatay ayaa u badan Gaadiid ay ka mid yihiin kuwa madaxda iyo kuwa ciidamada, waxaana warar ku dhowdhow Villa Somalia ay sheegayaan in dadka qaatay ay ka mid yihiin xildhibaano, wasiiro hore iyo madax sare.
Isla markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inay bilaabatay qeybsiga hantida guurtada ah ee qiimaha leh, iyadoo ay kaliya ku hareen xarunta gaadiidka aanay rasaastu karin iyo laba gaari oo kuwa ciidanka ah kuwaasoo uu lahaa madaxweyne Xasan Sheekh, kuna wareegi doona madaxweynaha cusub.
Madaxdii Villa Somalia ayaa la sheegay inay qaateen Gawaaridii dowladu lahayd iyo qaar xareysnaa, iyagoo ka faa’iideysanaya xilliga kala guurka. Arrintan ayaanu weli wax war ah ka soo saarin hanti dhowrka guud ee Qaranka, laakiin waxaa welwel ka muujiyay qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka.
Xilligii uu xilka wareejinayay madaxweynihii KMG ahaa Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu xusuutaa in hub iyo saanad badan lagala baxay bakhaarka ciidamada ee Madaxtooyada, arrintaas oo muddo dheer soo taagneyd.
Goobjooge.com