Wednesday, July 16, 2025

XOG CULUS: Madaxweyne C/weli Gaas oo Kursi ka mida Aqalka sare ku bixiyay Saaxiibtinimo siyaasadeed

Mida ka mida madaxweynayaasha maamulada dalka ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu Kursi ka mida Aqalka sare ku siiyay siyaasi ay saaxiib iyo isbaheysi istiraatiiji ah leeyihiin.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa kursi ka mida 11-ka kursi ee Aqalka sare ay ka heleen maamulkiisa u soo sharxday guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka xilligan Mahad Cabdalla Cawad.

Mahad-cawad
C/weli Gaas iyo Mahad Cabdalla Cawad

Mahad ayaa ah nin isbaheysi siyaasadeed oo xoog leh la leh Puntland, isla markaana  isku tiriya reer Puntland, isagoo ka soo jeeda degaanka Towfiiq ee Gobolka Mudug, waxaan uu dhowr jeer safarro ku tegay Puntland, waxayna dadka qaarkii ku tilmaamaan safiir federaalka ugu jira Puntland.

C/weli Gaas ayaa looga adkaayay dood muddo dheer ka dhex jirtay Madasha Qaran kadib markii beeshir Dir ee Mudug la raaciyay maamulka Galmudug, kuraastoodana la dhigay Cadaado, taasoo dhabarjab ku ahayd Mahad Cawad.

Tallaabada uu ku dhaqaaqay C/weli Gaas ayaa ah mid geesinimo ah oo saaxiibtinimo siyaasadeed lagu bixinayo kursi, laakiin waxaa si weyn uga biyo diidan beesha C/raxiim ee  Majeerteen oo laga dhaxeysiiyay kursigeedii beel kale.

Mahad Cabdalla waxaa la sharxan Jen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan), waxayna tani tijaabo kale u noqoneysaa in beelaha Soomaalida yeelan karaan samir ah ka tanaasulaan kursi arrimo siyaasadeed awgood.

Inkastoo C/weli Gaas  11-ka xubnaha uu doonayo inay ku soo baxaan Aqalka sare ku calaamadeeyay lambarrada ugu horeeya, haddana waxaa la arki doonaa inuu wax ka bedeli karo baarlamaanka Puntland.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON