Friday, July 25, 2025

Xog Cusub: Ajaaniib badan oo lagu dilay Weerarkii Alshabaab ee Afisyoone iyo Garoonka..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarkii ay maanta dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Muqdisho, qeybta Afisyoone.

Wararkii ugu danbeeya ayaa sheegaya inay weerarka ku dhinteen ajaaniib badan oo ka mida shaqaalaha iyo dadka ka howlgala Xalane iyo xarumaha ku dhex yaalla.

Booliska ayaa xaqiijiyey in ilaa 6 qof ay ku dhinteen weerarka Alshabaab, iyadoo shan qof oo ka mida ay dadka dhintay ay yihiin dad ajnabi ah, taasi oo meesha ka saareysa wararkii uu shaaciyey taliyaha Booliska oo ahaa in laga hortegay weerarka.

Afhayeenka Booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in lixda qof ee lagu dilay weerarka ay shan ka mid ah ay yihiin ajaanib uu ku jiray askari ka tirsan ciidamada AMISOM.

Waxa uu sheegay in dadka dhintay ay sidoo kale ku jireen tababarayaal ka caawiya dawladda dhinaca tababarka qaraxyada oo la shaqeeya ciidamada dowladda.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa ha agagarka Teendada Afisyoone ee Hoolka doorashada, waxaana halkaasi ku dhow dhismayaasha safaaradaha China iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON