Sunday, July 13, 2025

Xog cusub oo ku saabsan Hanjabaad Ikraan Tahliil uga timid Kulane Jiis iyo u yeeristii Fahad Yasin (Akhriso)

Xog cusub ayey bixisay Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax, kadib markii hay’adda NISA ay sheegtay inay u gacan gashay Alshabaab, ayna dileen.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa faahfaahin ka bixisay taariikh nololeedka gabadheeda muddo laba bilood ka badan la weysan yahay, lana sheegay inay Alshabaab dileen, waxayna warbixinteeda kusoo koobtay:

Waxay Ikraan dhalatay sanadkii: 1996

Waxay ku dhalatay: Magaalada Beledweynw ee Gobolka Hiiraan

Waxay qoyskeeda u guureen, iyadoo aad u yar oo bilo jirta, dalka Kenya

Waxay waxbarasheeda Dugsi Hoose, Dhexe iyo Sare ku qaadatay dalka Kenya

Waxay ku soo laabata dalka, gaar ahaan Muqdisho

Sanadkii 2017 waxaa laga shaqaaleeyay Hay’adda NISA, waxaana qoray Agaasimihii xilligaasi C/llaahi Sanbaloolshe

Sanadkii 2019: Iyadoo NISA ka tirsan ayey haddana la shaqeyneysay Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna ka hoos shaqeyneysay Guddoomiye C/raxmaan Yariisow oo qarax lagu dilay July 2019.

Isla Sanadkii 2019 waxay NISA Waxbarasho ugu diray dalka UK

Markii faafitaanka cudurka Corona ay u xirmeen jaamacadihii, waxaa u yeeray Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo la xiriirayo

Waxay Muqdisho dib ugu laabtay June 2020, markii uu si toos ah Fahad ugu yeeray

June 2020 ay ku laabatay Muqdisho, iyadoo joogtay ilaa 28 Disembar 2020

Janaayo 2021 waxay aaday dalka Turkiga oo waalidkeed uu deganaa.

Waxay Madaxda NISA mar kale u yeereen March 2021, waxayna ku laabtay Muqdisho.

Wax yar kadib waxay hooyadeed u sheegtay inuu handaday Kulane Jiis (C/llaahi Kulane) oo ka mida madaxda NISA, hadallo xun xun-na uu ku yiri, kuwaasoo aysan u faahfaahin hooyadeed.

26 Jube Habeenkii la afduubtay ayey sheegtay inuu u yeeray Taliye ka tirsan NISA,

Waxay sheegtay in loo soo dirayo dawaddalada NISA oo ay ka magcawday Axmed ama Wadna-qabad, iyagii ayaan ka qaaday Gurigeeda oo dhinac ku haya Xarunta NISA, kana soo horjeeda Hotelka City Palace.

“Waxaa jirtay inaan maalin soo wacay gabadheyda, waxay maalinkaas igu tiri Hooyo madaxaa i xanuunaaya oo waxaa iga soo xanaajiyey nin Kullane Jiis la yiraahdo oo madaxda hay’adda ka tirsan, oo i handaday, waxyaabo aana jecleysana i weydiiyey, markaa iima aysan sheegin waxa uu weydiiyey oo ay ka xanaaqday, balse waxay igu tiri mar kale ayaan kuu sheegayaa, anigaa kuu imaan doona,” ayuu yiri Hooyo Qaali.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in habeenkii u dambeeyey ee looga wacay xarunta NISA ay gabadheeda kula hadashay Video-Call, isla markaana ay u sheegtay in xarunta looga yeeray gaarina loo soo diray.

Hooyada dhashay Ikraan waxay toos ula hadahsay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, waxayna ka dalbatay inuu faraha uga qaado gabadheeda, kana dhex baxo kiiskooda, isagoo ku adkeysatay inuusan waxba u hayan oo kaliya ka daba halo markii ay iyadu warbaahinta la hadasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON