Wararka laga helayo hay’adaha Amniga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciiidamada Amniga loo xiray weerarkii ka dhacay Xaruntta Otto Otto ee kooxda Alshabaab ay ka danbeysay.
Askarta loo xiray weeraran ayaa ahaa kuwii qaabilsanaa ilaalada xarunta iyo ciidamadii ku sugnaa barta koontarool ee laga ilaaliyo Xaruntaasi, kadib baaritaan hordhac ah oo weerarkaasi lagu sameeyay, kaasoo muujiyey inuu dayac weyn ka jiray amniga xaruntasi.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku siiyey taliyeyaasha ciidamada iyo wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha inay war cad ka keenaan sidii ay wax uga dhaceen xarunta Otto Otto, waxayna warar xogogaal ah sheegayaan in Gaariga qaraxa geystay aanu goobta soo jiirin ee uu ahaa gaari loo fasaxay inuu gudaha u galo xarunta.
Kulankii ugu horeeyay ee looga fal celinayo Weerarkii Alshabaab ayaa shalay ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo uu shir guddoomiyey Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, waxaana amarro cusub lagu soo rogay ciidamad amniga ee ilaaliya xarumaha dowladda ee ku teedsan wadadda Maka Almukarama.
Weerarkii Alshabaab ee xarunta Otto Otto ayaa jug weyn gaarsiiyey dadaalkii xukuumadda Soomaaliya ay ugu jirtay soo celinta amniga Muqdisho.