Dagaal saacado socday ayaa magaalada Muqdisho ku dhex maray askar ka wada tirsan ciidamda Milateriga Soomaaliya oo qaab beeleed u abaabulan.
Dagaalka ayaa ka dhacay xaafadda Mirinaayada ee degmada Kaaraan, waxaana la sheegay inuu ka dhashay muran ku saabsan lacago lagu qaado Goob Koontrool oo uu heysto sarkaal ka tiran ciidamada Milateriga, halkaas oo uu qeyb ka doonayay sarkaal kale oo Milateri ah.
Wrarka ayaa sheegaya in dad ku dhow 10 qof ay ku dhinteen dagaalka, isla markaana dhaawacyadu intaas ka badan yihiin, waxaana saacado kadib dagaalka ku baxay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda saraakiisha ciidamadoodu dagaalamayaan, iyadoo ciidamo la dhex dhigay.
Ciidamada dowladda oo gudaha Muqdisho ku dagaalamay saacado waxay caddeyn u tahay in Taliska Milateriga Soomaaliya oo ku fashilmay inuu xakameeyo ciidamada hoos yimaada oo weli u abaabulan qaab beeleed.
