Warar xogogaal ah ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay is faham dhex maray labada musharax ee Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Heshiiskan oo xalay la shaaciyay isla markaana dhex maray 11 musharax ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inay musharaxiintaasi isku taageereen codadka hadba midkooda ugu horeeya, marka la joogo wareegyada doorashada beri ka dhici doonta magaalada Muqdisho.
Heshiiskan oo inta badan saameyn ku lahaa labada musharax ee Sheekh Shariif iyo Farmaajo ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay labadan musharax gaari waayeen heshiis rasmi ah oo awood qeybsi marka laga reebo in mid waliba kan kale taageero haddii uu wareegyada doorashada ku haro.
Ilo ku dhow Sheekh Shariif ayaa sheegay inaysan jirin wax isbaheysi doorasho ah oo Sheekh Shariif la galay Musharaxa Farmaajo oo dowladii KMG ahayd Ra’iisal wasaare u ahaa laakiin wixii ka dhacay Hotelka Jazeera ay ay ahaayeen arrin guud oo isbedel doon ah.
Sheekh Shariif ayaa wararku sheegayaan inuu hadda u janjeersaday dhinaca musharaxa kale ee Cumar C/rashiid oo olole weyn oo Puntland ay qaaday hadda xaaladiisa sare u soo kacday, taasoo culeys ku keentay arrinta Farmaajo.
Goobjooge.com