Sunday, July 13, 2025

XOG CUSUB: Wasiiradii laga tegay iyo xildhibaano isku urursanaya ka hortagga xukuumadda cusub

Wasiiro hore uga mid ahaa xukuumadii la riday, xildhibaano markii hore la safnaa madaxweynaha iyo Isbaheysigii Kutlada ee ka horjeeda siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabay maanta kulamo xiriir ah oo ka leeyihiin qaabka loo dhisay xukuumadda cusub ee uu so dhisay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

baarlamaanka-Som

Xubnahan ayaa wada qorshe ay doonayaan inay ku hor istaagaan in xukuumadani kalsooni ka hesho baarlamaanka, waxaana xildhibaandii hore ugu kacsanaa madaxweynaha ku soo biiray kuwo cusub oo jagooyin ka waayay Golaha wasiirada la magacaabay iyo qaar balanqaad hore loo siiyay looga baxay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa  talo fiican ku yeelan dhismaha xukuumada cusub, isagoo sheegay inuu ka gaabsanayo laakiin ka horjeedo qaabka loo dhisay, Guddoomiye ku xigeenka koowaad Jeylaani Nuur ayaan weli go ‘aan qaadan. halka guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad ay ka go’an tahay inuu ka hor yimaado xukuumadda CCC.

Waxaa kaloo socda dadaallo loogu jiro in qaar ka mida golaha wasiirada la magacaabay ay is casilaan, inkastoo arrintaasi bilow tahay.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON