Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe, iyadoo la ogaaday ninkii ka dambeeyay qorsheynta weerarka iyo sidii hubka lagu geliyey Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Sida uu ogaaday Barnaamijka Galka Baarista waxaa qorsheynta weerarka ka danbeeyay maxbuus Alshabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamuud Maxamed (Gama’diid) oo May 2018 loo xiray inuu qorsheynayey weerar uu ku qaado xabsiga Dhexe, wuxuuna ku xukunnaa 15 sano xabsi ah.
Ninkan ayaa helay fursad ah inuu xabsiga lagu soo xiray Ganacsade loo heystay inuu FOREX lacag dhan $35,000 uga lunsaday dad badan, kaasoo lagu xiray 6 bilood oo xarig ah, laakiin Xabsiga dhexdiisa ka bilaabay ka ganacsiga khudaarta iyo alaabaha kale, waxaana ninkaasi adeegsaday Ibraahim Gama’diid oo ku qanciyey in khudaarta iyo alaabta u timaado loogu soo dhex qariyo agabka hubka ahaa ee la geliyey Xabsiga.
Hubka xabsiga la geliyey ayaa kala ahaa: 4 Bistoolad iyo 7 Bambo iyo Rasaas oo lagu dhex qariyey Jawaan Liin ah oo xabsiga la geliyay 8-da Ogost 2020, balse rasaasta hore oo yareyd darteed waxaa isla maalintii dagaalku dhacay ee 10-ka Ogost mar kale la geliyey Xabsiga Rasaas lagu dhex qariyey Hilib iyo Cunto.
Weerarka Xabsiga Dhexe ayaa dhaliyey inay ku dhintaan 19 qof oo 15 ka mida ay yihiin maxaabiis, waxaana baxsaday maxbuus ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Mubaarak Ibraahim Iidle, waxaana loo xiray ciidamo iyo saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Xabsiga Dhexe G/sare Aadan Xuseen Kulmiye iyo ku xigeenkiisa.
HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA
