Wednesday, June 25, 2025

XOG: Dowladda Mareykanka oo Mowqif Culus oo ku saabsan Mooshinka Jawaari gaarsiiyey Ra’iisal wasaare Kheyre

Wararka laga helayo xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay mowqif cad ka qaadatay Mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Go’aankan ayaa la gaarsiiyey Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo dhowaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho loogu yeeray kulan uu la qaatay sii-hayaha Safiirka Mareykanka Martin Dale, waxayna wararku sheegayaan in Mareykanku ka horjeedo mooshinka Jawaari, isagoo dalbaday in waanwaan lagu dhammeeyo arrinta.

Mareykanka ayaa muujiyey welwelka ay beesha caalamka ka qabto xiisad siyaasadeed oo dib u dhac ku keenta shaqadii Baarlamaanka iyo xukuumadda, taasoo halis ku ah horumarkii la gaaray  sanadkii la soo dhaafay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON