Monday, July 7, 2025

XOG: Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo Berri shir yeelanaya & Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya oo la…

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa shaaciyey in Guddiga joogtada ee golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay kulan yeelan doonaan Axadda Berrito 13-ka October, kaasoo looga hadlayo kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka & ajendayaashiisa.

Farriin kasoo baxday xogheynta guddoonka Baaralmaanka ayaa algu sheegay in kulanka Guddiga joogtada ah ay ku dejin doonaan Ajendaha kulamada kalfadhiga 6aad ee Golaha shacabka, kasoo uu furay Madaxweyne Farmaajo, balse aan weli wax fadhi ah la isugu imaan., waxaana la filayaa in aakhirka toddobaadkan loogu yeero kulamadii Baarlamaanka.

Xildibaannada Baarlamaanada mudo labo bilood fasax ku maqnaa waxayna ku darsadeen maalmo kale, iyadoo la faray dhammaan xildhibannada inay Muqdisho soo galaan, waxayna wararku sheegayaan inay jiraan mooshino kala duwan oo ay wadaan xildhibaannada Baarlamaanka.

Mooshinka uu muhiimsan ayaa ah in ciidamada Kenya ay dalka isaga baxaan, lagana saaro ka mid ahaanshaha AMISOM, waxaana mooshinkan saxiixay xildhibaanno badan oo taageersan madaxda dowladda Somalia, waxaa sidoo kale jira xildhibaano ka mid xisbiyada mucaaradka oo dhinacooda wada mooshin gole joojin ah wasiirada xukuumadda qaarkood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON