Monday, June 23, 2025

XOG: Guddoomiyaha G/Banaadir oo ka qeyb galaya Shirka Garowe & Madaxweyne Farmajo oo ku adkeystay…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, isagoo ka mid ahaa wafdigii la socday Madaxweyne Farmaajo ee tegay magaalada Garowe oo shir uga furmayo madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka.

Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka oo uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland ayaan lagu casuumin maamulka Gobolka Banaadir oo hore uga qeybgeli jira shirarkii Amniga, laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka qeyb galo shirka, qeybna ka noqdo arrimaha masiiriga ah ee looga hadlayo shirka.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo uu la yeeshay madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada ayaa isna ka dhaadhiciyey inuu shirka ka qeyb galo guddoomiyaha Gobolka banaadir, iyadoo dood dheer kadib la ogolaaday inuu qaar ka mida kulamada shirka Garowe uu ka qeybgalo.

Ad

Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galka maamulka Gobolka Banaadir ee shirka Garowe ka dhigtay arrin lagama gudbaan ah, iyadoo tani ay xoojineyso mowqifka taageerayaasha dowladda Federaalka ee shirka oo hadda noqonaya labada maamul goboleed iyo Gobolka Banadir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON