Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa la sheegay inuu ka baxay is-afgarad dhex maray madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo ku saabsanaa khilaafka ka taagan mooshinka laga keenay.
Kulan gaara oo dhex maray Farmaajo iyo Jawaari habeennimadii Sabtiga soo galeysay ayay Goobjooge.net ogaatay in Guddoomiye Jawaari uu soo jeediyay in arrinta mooshinkiisa si hoose lagu dhammeeyo, isaguna diyaar u yahay inuu buuq la’aan xilka ka tanaasulo, taasoo keentay in la hakiyo kulankii Baarlamaanka ee muranku ka taagnaa.
Xogta ayaa sheegeysa in guddoomiye Jawaari uu madaxweynaha ku wargeliyay maanta inuusan diyaar u ahay wax tanaasul ah, balse uu doonayo in sharciga lagu kala baxo, isla markaana aanu aqbali doonin wixii sharci darro ah.
Arrintan ayaa keentay in madaxweynaha u yeero xildhibaannada wada mooshinka guddi ka tirsan oo ka kooban 50 xubnood, kuwaasoo uu hore u joojiyey la-kulankooda xalay, waxaana lagu wadaa inuu caawa ogolaado inay sii wadaan mooshinkoodii, taasoo xaalada ku soo celineysa wixii ka horeeyay joojintii kulankii Sabtida.
Xildhibaannada wada Mooshinka ayaa qorsheynaya inay Arbacadda yeeshaan fadhiga Baarlamaanka ee xilka looga qaadayo Guddoomiye Jawaari, halka xildhibaannada kale ka digeen kulankaasi oo ay sharci darro ku tilmaameen.