Tuesday, June 24, 2025

XOG: Guddoomiye Mursal oo 3 Arrin dartood u diiday inuu noqdo Madaxweyne KMG ah, xilkana kala wareego..

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa ciyaarya kaalin dhexdhexaadnimo, isagoo dhowaan diiday dalab uga yimid musharixiinta Madaxweynaha ee mucaaradka, kasoo ahaa inuu isu bedelo Madaxweyne KMG ah.

Habeenkii 8-da Febraayo soo galeysay ayaa Guddoomiye Mursal wajahay mid ka mida xaaladihii ugu cuslaa ee noloshiisa siyaasadeed markii uu kala doortay inuu ku dhawaaqo inuu yahay Madaxweyne KMG ah sida ay doonayeen Midowga Musharixiinta iyo inuu xaaladda qaboojiyo.

Wuxuu doortay Mursal inuusan xaaladda uga sii darin, wuxuuna u sheegay musharixiinta Madaxweynaha inuusan noqon karin Madaxweyne KMG ah, saddexda qodob ee soo soocda dartood :

1- Inuusan dooneyn inuu dalka galo qalalaase siyaasadeed oo ka weyn xaaladda kala guurka ah ee hadda lagu jiro, markii uu dhammaaday xilliga Madaxweynaha.

2- In Maxamed C/llaahi Farmaajo aanu tanaasuleyn, diyaarna u yahay inuu la dagaalamo haddii uu noqdo Madaxweyne KMG ah, isaguna aanu diyaar u ahayn arrintaasi.

3- Iyo Sharci ahaan aysan caddeyn sidii uu ku noqon lahaa ‘MADAXWEYNE KMG’ ah, dastuurna aanu ku qorneyn fashil doorasho inuu xilka ku weyn karo Madaxweynaha, isla markaana aysan tallaabadi heysan taageeada Beesha Caalamka.

Musharixiintii la kulmay Guddoomiye Mursal ayaa laga soo xigtay in tallaabada uu qaaday ay ka muuqatay kalsooni darro, iyadoo uu hore go’doomin iyo cabsi gelin ugala kulmay markii uu qabtay Mooshinkii xil ka qaadsita Madaxweynaha iyo heshiis uu kula jiro oo keenay xil ka qaadistii Xasan Cali Kheyre inuu ka aamuso dhammaan sharci darradii dhacday xilligii xukuumadda xil gaarsiinta ee Mahdi Guuleed.

Dhinaca kale Kulamada Baarlamaanka ee ugu danbeeyay ayuu Guddoomiye Mursal muujiyey inuusan u hoggaansameynin rabitaanka madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ee Farmaajo, isagoo ka hortegay rabitaanka muddo kororsiga ah ee laga casbi qabay inuu jeediyo Ra’iisal wasaaraha xulka sii haya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON