Madib muran iyo is qabqabsi hareeyay maamulka Gobolka Banaadir ee lix bilood jirka ah oo uu hoggaamiyo guddoomiye C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa waxaa soo baxaya warar sheega in maamulkaasi qarka u saaran yahay xil ka qaadis.
Xafiisyada Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa hareeyay khilaaf iyo muran dhex yaalla Guddoomiye Yariisow iyo ku xigeenada, waxaana socon waayey waanwaantii ugu danbeysay ee Ra’iisal wasaare Kheyre ku dhex galay madaxda maamulka G/banaadir.
Guddoomiye Yariisow ayaa ku guuldarreystay inuu hoggaamiyo maamulka uu guddoomiyo iyadoo tan iyo markii uu xilka qabtay ay isku hayeen kusimenimo, kadibna isu bedeshay inay wada shaqeyn waayeen, waxayna arrintoodu gaartay gacan-qaad iyo dacwad joogto ah.
Shaqaalaha maamulka Banaadir ayaa labalaab ku dhowaaday iyadoo mas’uul kasta uu qortay shaqaale cusub, waxaana dhaqaalaha Gobolka uu ku soo koobmay in inta ugu badan lagu bixiyo mushaar, taasoo iyadana dhaliso inuu Yariisow Warbaahinta uga hanjabo shaqaalaha dowladda hoose.
Xogta laga helay xafiiska Madaxweyanha ayaa sheegeysa inuu ku guda jiro ciddii uu u xulan lahaa guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, iyadoo la hadal hayo inay xilka ugu cad cad yihiin saddex musharax oo kala ah:
1- Axmed Maxamud Maxamed Washington: oo hadda maareeyaha dekadda Muqdisho ayna isku dhow yihiin madaxweyne Farmaajo, iyadoo intii aan la magaacaabinYariisow uu watay Farmaajo.
2- Cumar C/llaahi Xasan: oo hadda ah Guddoomiyaha degmada Wadajir ee G/Banadir oo saaxiib la ah madaxweyne Farmaajo, kana mida dadka ka yimid qurbaha.
3- Avv.Cumar Maxamed Cabdulle: oo hadda la-taliye u ah wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, horena u ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee Baarlamaanka 10-aad.
Labada musharax ee sare ayaa si weyn loogu saadaalinayaa inuu madaxweyne Farmaajo midkood xilka u magacaabi doono, inkastoo xilka Yariisow la sheegayo in waqtigiisa uu xafiiska joogi doono ay hadda fara-ku-tiris yihiin.