Friday, July 4, 2025

XOG: Hal Arrinta oo sababtay inuu RW Rooble eryo Xubnihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaaday tallaaboculus oo ah inuu xilalkii ka eryay 7 xubnood oo ka tirsan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dadban.

Sida aan xogta ku helnay Maxamed Xuseen Rooble ayaa meesha ka saaray inta badan xubnaha ay xukuumadda soo magacawday ee ka mida Guddiga xalinta, taasoo ay ugu wacan tahay hal arrin oo ah inay ka amarqaadan waayeen, ayna garab mareen taladiisa iyo rabitaankiisa kuraas muran ka taagnaa.

Rooble ayaa meel adag ka taagnaa kuraas Dacwad laga keenay oo uu doonayey in dib loo celiyo, kuwaas oo kala ah HOP067 iyo HOP103, si doorashada looga dhigo mid wixii khaddama la sixi karo, wuxuuna dadaal u galay in dib loo celiyo kursiga hore, balse ay garab mareen Guddiga oo qeybta xukuumadda magacwdat ay noqdnn kuwo ku xiran Madaxtooyda Soomaaliya.

7-da xubnood ee eryaday wuxuu Rooble ku bedelay 7 xubnood oo hadda u muuqda kuwo inuu isagu meesha keensaday, iyadoo aan la ogeyn waxa ay ka bedeli doonaan Guddigan oo xubnaha ku jira ay dhinacyo kala duwan ku xiran yihiin .

Jugtii koowaad ee Guddigan ku timid ayaa ahayd Bishii Ogost 2021 inuu geeriyooday Guddoomiyihii koowaad oo ka mid ahaa odayaasha yar ee ku jira Guddigan marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur xubnaha Guddiga ee ay soo magacaabeen maaamul Goboleedyada ayaa weli ka amar qaata madaxda maamulladaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON