Waxaa soo baxay warar kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), kaasoo uu soo dhex galay madaxweyne Farmaajo.
Iyadoo aanay wax war ah kasoo bixin Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ololahooda sii wada xildhibaannada taageersan Guddoomiye Jawaari oo beeniyay inuu is casilayo, isla markaana bilaabay olole ku saabsan inuu fashilmay mooshinka oo ay ku tilmaameen inqilaab dhicisoobay.
Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka mida Xildhibaanadii wada Mooshinka Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha aanu wali la hadlin raggii mooshinka waday, isla markaana aanu sharci u laheyn inuu mooshinka burburiyo, wuxuuna ku adkeystay in mooshinkooda uu taagan yahay.
“Madaxweynuhu lama hadlin raggii mooshinka waday, wax sharci ahna uma lahan inuu burburiyo mooshinka, waxaa uu la kulmay Guddoonka Baarlamaanka, anagana waxaa naga go’an in aan Arbacada horgeyno Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaanka oo ka mida raggii bilaabay mooshinkan.
Waxaa muuqata in madmadow soo dhex galay xildhibaannadii waday Mooshinka iyo madaxweynaha oo aan ilaa iminka la ogeyn waxa uu damacsan yahay, waxayna xildhibaannada taageersan xukuumadda bilaabeen inay cambareeyaan madaxweynaha.