Saturday, July 12, 2025

XOG: Hub ka dhigis lagu sameeyay Askarta Tigreega ee ka tirsan Ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaliya

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa hub ka dhigis ku sameeyay askarta kasoo jeeda Tigreeha ee ka mida ciidamadaasi markii looga shakiyey inay saameyn ku yeelato xaaladda dagaal ee ka socota Gobolka Tigray dalka Itoobiya.

Sida laga soo xgtay ilo diblomaasiyadeed iyo kuwa Amni oo u warramay Wakaalada Wararla Reuters 200 ilaa 300 askari ayaa hubkii laga qaaday, kuwaasoo kasoo jeeda Qowmiyada Tigreega markii amar ka yimid Madaxda Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa isugu jira kuwa hoos taga howlgalka AMISOM iyo ciidamo aan ka mid ahayn, waxaana la sheegay in askarta Tigreega ee hubka laga dhigay ay isugu jiraan labada dhinac oo lagu hayo xerooyinka ciidamada ee gudaha Soomaaliya.

Sarkaal taliye ku xigeen ka tirsan Qeybta ka mida ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ayaa ka mida ciidamada Tigreega ee hubka looga dhigay gudaha Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON