Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif nabadeed oo dhexdhexaad ah ka qaadatay dagaalka ka socda Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, iyadoo dhinaca kale taageertay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.
War-saxaafadeed degdeg oo caawa kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka walaacsan tahay xiisada colaadeed ee Itoobiya, isla markaana ay taageereyso midnimada Itoobiya iyadoo ku baaqday in wadahadal saaxiibtinimo lagu xaliyo dagaalka gudaha Itoobiya ka socda.
Dowladda Soomaaliya waxay dalalka Gobolka ugu baaqday in si nabadgeliyo ah lagu xaliyo colaadda Itoobiya, iyadoo dhinaca kale caddeysay inay si buuxda u garab taagan tahay dowladda Itoobiya ee u hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

