Monday, November 23, 2020
More

    Dowladda Itoobiya oo soo saartay Amar lagu xirayo Jeneral Gabre iyo 75 Sarkaal (Akhriso Liiska Magacyada)

    Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo saraakiil Tigree ah iyo kuwa la shaqeeeyay oo uu ku jiro ninka ay Soomaalidu sida weyn ugu taqaan Jeneraal Gabre ee Colonel Gebregziabher Alemseged.

    Amarkanm ayaa saameynaya 76 saraakiil Milateri ah oo denbiyo kal duwan loo heysto, taasoo ka dambeysay dagaalka ay dowladda Itoobiya ka wado Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalkaasi, waxaana loo heystaa dembi Qiyaano qaran ah iyo amar diido.

    Ad

    Saraakiishan ayaa kala ah: Jeneraalo, iyo kabtanno ka mid ahaa ciidamada difaaca Itoobiya. Colonel Gebregziabher Alemseged (Jeneraal Gabre) ayaa ka mid ahaa saraakiishii Itoobiya ee hoggaaminayey duullaankii ay Itoobiya ku qabsatay caasimadda Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya; isagoo loo heyso xasuuqa dad badan oo Soomaaliyeed.

    Itoobiya ayaa gashay xaalad cusub oo madaxda, Saraakiisha iyo xubnaha lasoo shaqeeyay dowladii Tigray la ugaarsanayo dalkaasi oo dhan.

    HOOS KA AKHRISO LIISKA

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,122FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,693FollowersFollow
    151,122FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,692FollowersFollow

    TOP NEWS

    Mursal iyo Muudey oo tegay shirka Musharixiinta Madaxweynaha iyo Farriin culus oo ku socota Farmaajo

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Cabdiweli ibraahim Muudeey ayaa caawa lagu soo dhoweeyay shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee...

    Senator Muuse Suudi: “Mahdi Guled reer waqooyi waa naga celi waayeen, haddii Amxaaro leedahayna waa naga celi weysay”

    Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa dhaliil u jeediyey Ra'iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. "Dad aan dhowri...

    Qoorqoor oo shaaciyey inuu waanwaan ka dhex wado Madaxweyne Farmaajo & Musharixiinta Mucaaradka

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xaqiijiyey inuu waanwaan ka dhex wado Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharixiinta Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Qoraal uu...

    14 Musharax oo Puntland & Jubbland ka dalbaday inay bedelaan xubnaha ugu jira Guddiyada Doorashada

    14 Musharax Madaxweynaha war-saxaafadeed ay soo saareen uga dalbaday maamullada Puntland iyo Jubbaland inay bedelaam xubnaha ay u soo madacaabeen Guddiyada Doorashada heer Federaal...

    Mahdi Guuleed oo khudbad hanuunin ah u jeediyey Guddiyada Doorashada ee Xukuumaddu magacawday

    Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ee xukuumaddu magacawday ee qabyada ah. Isagoo xubnaha Guddiyada Doorashada...

    Ciidamada Itoobiya oo Taangiyo ku go’doominaya Caasimadda Tigray iyo Waraaqo digniin ah oo hawada looga daadiyey

    Ciidamada Milatariga Ethiopia ayaa is diyaarinaya dagaalkii ugu danbeeyay oo ay ku doonayaan inay qabsadaan caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle, waxaana diyaradaha Helikobtarka ay...

    XOG: Qoorqoor oo halis ugu jira inuu kala doorto Madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta culus ee Beeshiisa

    Madaxweynaha Galmudug Cabdi Axmed Kaariye (Qoorqoor) ayaa dhexda uga jira xaalad adag oo kasoo wajahday musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo jeeda Galmudug, kadib muran ka...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!