Monday, June 23, 2025

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.

Ilo ku dhow labada mas’uul ayaa sheegay in waxaa markii ugu horeysay ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif isku afgarteen inay kulan yeeshaan, kana wadahadlaan khilaafka ka taagan arrimaha siyaasadda, Doorashooyinka iyo Dastuurka.

Kadib shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho kusoo dhammaaday toddobaadkii hore ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh la xiriiray Sheekh Shariif, isagoo kala hadlay sidii ay labada dhinac u kulmi lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kulankaasi aqbalay, balse uu ku xiray shardi ah inay marka hore kulmaan xubnaha Madasha Mucaaradka, iyadoo qaarkood ay dalka ka maqan yihiin.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee Madasha Samata-bixinta oo kulamo uga socdaan Muqdisho ayaa isu diyaarinaya inay kulan la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo aan ka mid ahayn Madasha Mucaaadka ee Sheekh Shariif hoggaamiyo ayaa lagu casuumay kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, balse lama xaqiijin inuu Muqdisho imaan doono.

Qodobadda ugu adag ee ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ayaa waxaa ka mida wax-ka bedelka lagu sameeyay 4 Qodob oo ka mida Dastuurka KMG iyo Doorashada Qof iyo Cod.

Xiriirka u dhaxeeya madaxdii hore ee Mucaaradka ah iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa joogto ah, sida ay labada dhinac xaqiijiyeen, balse khilaafkooda iyo hadallada ay isku mariyaan warbaahinta ayaa xaaladda uga sii daray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON