Thursday, June 26, 2025

XOG: Isbaheysigii Doorashada ee Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed oo burburay saacadihii ugu danbeeyay

Isbaheysi Doorashado oo in muddo ah ka dhaxeeyay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa burbur ku soo dhammaaday saacadihii ugu danbeeyay.

Xogta ay Goobjooge.com heshay ayaa sheegeysa in isbaheysigan oo ujeedkeedkiisu ahaa in labada madaxweyne ay iska kaashaadaan Doorashada, isla markaana ay talada la wareegeen iyagoo isku noqonaya Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare ayaa socon waayay kadib markii ololaha doorashada uu soo dhowaaday.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hore ugu heshiiyay inay isu noqdaan madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare, ayna guddoomiye Baarlamaan ka dhigaan C/rashiid Xiddig iyagoo is tusay inay heli karaan codad ka badan 150.

Isbaheysigan oo welwel ku hayay beesha Daarood iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda kala tegay, kadib markii madaxweynaha Galmudug uu ka baxay, waxayna xogtu sheegeysaa inay ugu wacan tahay kadib markii uu xaqiiqsaday inuu isbaheysigan aanu wax guul ah ka keeni karin doorashada.

Musharaxnimada Shariif Xasan Sheekh Aadan ee xilka madaxweynaha, iyo musharaxa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee C/rasiid Xiddig ayaa hadda u muuqda inay rajadoodii ay mugdi  gashay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON