Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in isbedel lagu sameynayo xilkii dhowaan loo magacaabay mid ka mida guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee dhowaan xilka loo magacaabay Maxamed C/llaahi Maxamed oo xilkiisa lagu daray guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa hadda lagu la xaqiijiyey in laga reebayo ‘Guddoomiye ku xigeenka koowaad’ taasoo ay ugu wacan tahay awood qeybsi beeleed oo lagu xadgudbay.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa caadiyan waxaa la siin jiray beesha Murusade, taasoo si khaldan loo qoray wareegtadii Madaxweynaha Xafiiskiisa ka soo baxday, waxayna arrintaas keentay in beesha Murusade ay dood ka keento arrintan iyadoo la isla gartay in dib loo saxo si loo dhowro awood qeybsiga beelaha.
Xilka labaad ee guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa hadda waxaa la siinayaa guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda oo ah Xuseen Maxamed Nuur oo hore loo siiyey xilka guddoomiye ku xigeenka labaad.