Tuesday, June 24, 2025

XOG: Itoobiya oo ka walaacsan kulan ay Kenya abaabushay oo Nairobi ku dhex maraya Axmed Madoobe & Guddoomiyaha ONLF

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay si weyn uga walaacsan tahay oo ay isha ku heyso kulan ay si hoos u qabanqaabisay dowladda Kenya oo ay magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Guddoomiyaha cusub ee ururka ONLF oo dhowaan loo aqoonsaday xisbi siyaasadeed ka jira dalka Itobiya C/rxmaan Mahdi Maadey.

Sida ay Jariirada Addis Standard kasoo xigatay ilo diblomaasiyadeed oo Itoobiyaan guddoomiyaha ONLF ayaa 24-kii bishan tegay magaalada Nairobi iyadoo ay soo dhoweayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, waxaana kulan qarsoodi ah uu la yeelanayaa Axmed Madoobe oo iska ku sugnaa magaalada Nairobi.

Itoobiya iyo Kenya ayaa kala taageersan dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe, kadib murankii ka dhashay dib u doorashadii Axmed Madoobe oo si weyn ay u taageertay dowladda Kenya, halka Dowladda Soomaaliya ay sharci darro ka dhigtay, iyadoo Itoobiya ay la safatay Dowladda Soomaaliya, taasoo dhalisay in Kenya iyo Axmed Madoobe ay diyaarado Itoobiyaan ah u diidaan inay ku degaan Garoonka Kismaayo markaasoo xaaladda ay gaartay heeerkii ugu xumaa.

Dhaqdhaqaaqa ay dowladda Kenya wado iyadoo abaabuleysa madaxda iyo odayaasha beesha Ogaadeen ee Kenya, Itoobiya iyo Somalia waxaa walaac ka muujiyey dowlada Itoobiya oo beeshaasi ay saameyn ku leedahay.

Guddoomiyaha ONLF ee 11-ka Novembar 2019 la doortay ayaa hore u caddeeyay inuu taageersan yahay Axmed Madoobe, wuxuuna Itoobiya u sheegay in looga baahan yahay inay arrintan Jubbaland ku wajahdo si miisaan leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON