Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay dib u furmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qoshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli Wax war ah kasoo saarin hadalka wasiirku ka dhawaajiyay iyo kulan uu horey u sheegey in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay Addis Ababa isku arkeen.
Somaliland oo xiisado colaadeed ka abuurtay Gobolka Sool, isla markaana si weyn u dhaliishay hoggaanka dowladda Soomaaliya ayaa olole xoog leh ugu jirta inay dib u furmaan wadahadalladii labada dhinac.