Kursigii ay ku fadhiday ee ay dooneysay in mar kale loo doorto marxuumad xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyooday Qarax lala beegsaday ayaa noqday kursiga ku haray ee magaalada Beledweyne oo lasoo gabagabeeyay Doorashadii ka socotay.
Kursigan HOP135 ayaa warar kala duwan kasoo baxeen ayaa hadda u muuqda in Doorashada kursigan loo wareejiyey magaalada Jowhar, iyadoo ay socoty qorshe lagu siinayo qoyska Marxuumad Aamina Maxamed.
Dib u dhigista doorashada kursiga ayaa ka timid Beesha leh kursiga oo tacsi u taallay, waxaana madaxda Hirshabeelle ay iyo beesha Kursiga leh u socday wadahadal ku saabsan qaabka kursiga ku danbeyn doono.
Warar hoose ayaa sheegaya in Qoyska AUN Aamina Maxamed Cabdi ay fasaxeen kursiga, balse waxa soo baxay oo inay kursiga isu soo sharaxday Samiira Maxamed Cabdi oo la dhalatay marxuumad Aamina.
Kursiga HOP135 oo ka mid ahaa kuraasta ay ku tashanayeen taagereayaasha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa olole weyn ka wada baraha bulshada si aanu u dhaafin kursigaasi, halka dhinaca kale Farmaajo iyo Fahad ay wataan nin lagu magacaabo Cumar Faaruuq.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inuu kursigan ka dhigi doono kan ugu danbeeya ee Hirshabeell laga soo doorto, ayna noqon doonto in lagu tartamo ama la siiyo Qoyska Aamina, haddiiba ay doonayaan, beeshuna ku taageerto.
