Thursday, June 26, 2025

XOG LA HELAY: Mareykanka miyaa loo sii sheegay weerarkii Gantaallaha ee Iiraan ku qaaday Sadhigyadooda Ciraaq..?

Waxaa soo baxaya xog ku saabsan in Mareykanka uu sii ogaa weerarka Gantaalaha ee xalay saqdii dhexe kadib Iiraan ku qaaday laba saldhig oo ciidamadiisa ku leeyihiin dalka Ciraaq.

Dowladda Iiraan ayaa xalay saqdii dhexe kadib la xiriirtay Ra’iisal wasaaraha Ciraaq Caadil Cabd-mahdi oo farriin afka ah kusoo gaarsiisay in weerar jawaab u ah dilkii Jeneraal Qaasim Suleymani uu bilaabanayo waxyar kadib, waxayna u sheegtay in kaliya ay bartilmaameedsaneyso saldhigada ciidamada Mareykanka, sida uu sheegay afhayeenka Xukuumadda Ciraaq.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdi-mahdi ayaa la xiriiray saraakiisha dowladda Mareykanka ee hoggaamiya ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq, siiba saldhigyada la duqeeyay, waxaana wararku sheegeen in ay ka wadahadleen weerarka kusoo fool leh ee Iiraan.

Sida ilo amni ah uu kasoo xigtay Telefishanka CNN ciidamada Mareykanka ayaa banneeyay saldhigyada ay weerartay Iiraan, waxaana inta badan Gantaallaha Iiraan la sheegay inay ku dhaceen meelo bannaan oo aanay wax qasaare ah ka dhalan. waxaana sidoo kale lagu beegay xilli dambe oo habeen ah oo ciidamada ay hurdaan kuna jiraan goobaha loogu talogalay inay ka difaacaan weerarradaasi oo kale

Arrimaha oo dhan marka la isku daro iyo in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu xalay shaaciyey weerarka Iiraan kadib inay wax waliba wanaagsan yihiin ayaa muujineysa in weerarka Gantaalaha Iiraan uu ahaa mid ay hore u sii ogeyd dowladda Mareykanka oo aan wax qasaare ah geysan.

17 Gantaal oo Iiraan la beegsatay saldhigga Ceyn-Al-asad ayaa 15 ka mida ay qarxeen, iyadoo 2 kale aysan qarxan, halka ilaa 5 gantaal oo lagu riday saldhigga Irbiil ee Kurdistan ay qarxeen, laakiin lama soo werin wax qasaare ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON