Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabada shirka Madaxda Madasha Qaran ee Wadatashiga Doorashooyinka oo la filayo inuu caasimadda ka furmo 27-ka June 2021.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana hore ugu sugnaa madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed, waxaana la filaya inuu isna yimaado Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.
Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa markii hore la sheegay inuu cudurdaartay, balse markii danbe cadaadis lagu saaray, inuu tago Muqdisho isagoo doonayey inuu khadka Internet-ka uga qeyb gelo shirka.
Siciid Deni ayaa la sheegay in arrimo gaara uu sheegtay, balse ugu danbeyn uu maanta isna so gaaray magaalaad Muqdisho.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dalka Turkiga ku isagu ayaa isagu si toos ahayn oo dhinaca aalada ZOOM-ka ah uga qeyb aadan doona shirka, waxaana la filayaa inuu dib uga soo biiro.
Shirkan oo imaanaya muddo bil ah kadib markii la saxiixay heshiiskii labaad ee Doorashada ayaa waxaa hor yaalla xalinta caqabado dhowr ah oo ay ugu horeeyaan Arrinta Gobolka Gedo, Waqti kale oo loo qabto Doorashada, dib u eegista magaalooyinka ay ka dhaceyso doorashada oo la filayo in isbedel lagu sameeyo.
