Friday, July 18, 2025

XOG laga helay Qorshe Muddo kordhin cusub ah oo Farmaajo u soo dhiibay Ra’iisal wasaare Rooble

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu Berri hortago Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisii dhammaaday, iyadoo laga war helay qorshe muddo kordhin ah.

Arrintan ayaa lagu saleeyay warbixinta waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood; laakiin xogta ayaa sheegeysa in qorshe muddo kordhin uu ku dhex jiro khudbadda Ra’iisal wasaare Rooble ee Baarlamaanku ka jeedin doono marka uuu hortago Berri 10-ka Febraayo 2021; iyadoo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu doonayo in muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda, kadibna ay ku wada jiraan Madaxweynaha iyo Xukuumadda.

Xogta ay heleen xildhibaanno ku dhow Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Warbixinta Xukuumadda aysan ku jirin muddo kordhin, laakiin loo diyaariyey in qaab farsameysay su’aal ahaan loo weydiiyo Ra’iisal wasaaraha, halkaasina uu ka yimaado codsiga.

Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee muddo kororsiga loo marayo Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa ku saleysan in la qabto Doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan Xeerkii Doorashada ee Farmaajo hore u diyaariyay, kaasoo ku saleysan inay shacabka toos u doortaan Madaxweynaha (Single Constituency and close list).

Xildhibaanno gaaraya ilaa 50 oo ka mida Golaha Shacabka oo mucaarad ah ahaa shir ku leh magaalada Muqdisho si ay arrintan go’aan uga gaaraan, waxaana olole labada dhinac ah oo ku saabsan qorsaha cusub ee Villa Soomaaliya soo abaabushay oo laga cabsi qabo inuu qalalaase hor leh ka dhasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON