XOG: Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku biiraya Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxda maamul Goboleedyada ee ku shiran magaalada Garowe ay isku afgarteen inay qeyb ka noqdaan mooshin la sheegay inuu ka bilowday magaalada Muqdisho oo ku saabsan kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug ayaa ilo ku dhow shirkooda waxay sheegayaan inay ku biirayaan ololaha lagu doonayo in lagu khalkhal geliyo madaxweyne Farmaajo iyadoo xildhibaanada taageera iyo kuwa ay saaxiibada la yihiin ku dhiirigelinaya inay saxiixaan mooshin ‘Impleachment’ Madaxweyne ah  oo laga bilaabayo magaalada Muqdisho.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegayey in xildhibaannada xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay dib u soo nooleeyeen mooshinka Madaxweynaha oo istaagay markii la weerarray Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Disembar 2017.

Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada C/weli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo Axmed Ducaale ayaa u arka madaxtooyada Soomaaliya inay halis ku tahay xilalkooda iyagoo taageereysa in xilalka laga qaado, loogana guuleyso doorashooyinka ku soo fool leh, waxayna arrinta mooshinka u arkaan jawaab ku haboon weerarka uga yimid Madaxtooyada Soomaaliya

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

108,231FansLike
568FollowersFollow
2,500FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

108,231FansLike
568FollowersFollow
20FollowersFollow
2,500FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!