Wednesday, July 9, 2025

XOG: Madaxda Puntland oo wada Qorshe ay ku kala badbaadinayaan Madaxweyne Farmaajo & Mucaaradka

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegay in madaxda Puntland ay wadaan qorshe looga badbaadayo inu isku dhac siyaasadeed dhex maro madaxda dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Qorshahan ayaa ah in inta ay socoto xafladaha aan la isku adeegsan hadallo weerar siyaasadeed ah oo la dhowro munaasabadda iyo caleemo-saarka madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, si aysan u dhicin inay munaasabadda isu bedesho dagaal siyaasadeed oo labada dhinac ay isku weerarrayaan.

Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa arrintan kala hadlaya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku haya, iyadoo ay iminka magaalada Garowe ku wada sugan yihiin madawexyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waxaana wehliya siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo boqolaal xildhibaano iyo wasiiro isugu jira.

Waxaa siyaasiyiinta iyo dhinacyada kala duwan laga joojiyey inay shirar jaraa’id ku qabtaan magaalada Garowe, iyadoo sidoo kale saxaafadda loo sheegay inaysan baahin wixii warar ah ee ay jeediyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah, taasoo maalintii shalay shaqeyn weyday.

Dadaalkii ugu danbeeyay ee madaxda Puntland ayaa ku wajahan madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynayaashii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka si aysan arrimo siyaasadeed uga faa’iideysan munaasabdda caawa ee caleemo saarka, waxayn wararku sheegayaan in si toosa ah codsigaasi loo jeedin doono marti sharafta marka ay bilaabato xafladda caleemo saarka, isla markaasina aan khudbad la siin doonin qaar ka mida siyaasiyiinta mucaaradka.

Madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Galmudug ayaa ah kuwa ugu cadcad ee sida weyn uga horjeeda madaxda dowladda Soomaaliya oo laga cabsi qabo inaysan la gaban weerar afka ah oo ay ku qaadaan Villa Somalia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON