Iyadoo ay maanta ku eg tahay muddo 30 maalmood ah oo Maamulka Gobolka Banaadir u qabtay dadka degan dhulka Jardiinooyinka iyo Beeraha Dowaladda Hoose ee Muqdisho inay isaga baxaan ayaa waxaa soo baxaya in arrintaasi ay iska fogeeyeen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Gudooomiyaha Gobolka Banadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa u qabtay dadka degan Jardiinooyinka Danta Guud iyo Beeraha dowladda hoose ee magaalada Muqdisho 3-dii Bishii hore ee July inay muddo 30 maalmood ah uga guuraan, isagoo ugu hanjabay inay ka qaataan qalabkooda ama tallaabo laga qaadi doono, wuxuuna heshiisyada lagu bixiyey ku tilmaamay sharci darro. [Akhriso Warkan]
Arrintan oo kacdoon ka dhalisay ganacsatada Muqdisho, isla markaana loo arkay mid lagu weerarrayo beelo gaara oo degan Muqdisho ayaa xaalad siyaasadeed oo culus ka abuurtay magaalada Muqdisho, waxayna dacwadda arrintan gaartay madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu odayaal ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo guddoomiye Yariisow u sheegay inuusan raali ka ahayn waxyeelo loo geysto ganacsatada Muqdisho, isla markaana amar uu hore u soo saaray uu saameyn ku lahaa dhulka Danta guud ee la bixiyay markii uu xilka qabtay, kadib Febraayo 2017, wuxuuna iska fogeeyay amarka ka soo baxay guddoomiye Yariisow.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa odayaasha beelaha Muqdisho oo kulan dhex maray u xaqiijiyay inaysan jiri doonin dhismayaal danbe oo maamulka G/Banaadr burburin doono, arrintaasina ay xalinayaan.
Xaaladda ka dhalatay amarka Guddoomiya Yariisow ayaa wixii markaas ka danbeeyay ahayd mid iskeed u qabowday iyadoo aanay jirin cid dheg jalaq u siisay amarkii Yariisow oo la sheegay in dhowr Goobood oo maamulkiisu burburiyay ay dacwad ka taallo, isla markaana uu tallaabadaasi u qaaday markii ay dalbadeen xubno heerkoodu hooseeyo oo ka tirsan Madaxtooyada.
Ma jirto cid fulisay amarkan ama goobo jardiinooyin ah oo laga guuray, waxaana arrintu u muuqataa amarkaasi laga soo qaaday mid aan soo bixin.