Wednesday, June 25, 2025

XOG: Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle & Guddoomiyaha G/Banaadir oo farageliyey Kiiska C/raxmmaan C/shakuur

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa shirar xiriir ah oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho si loo sii daayo siyaasiga C/raxmmaan C/shakuur oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Axmed iyo  madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre oo ay kala hadleen suuragalnimada soo afjaridda kiiska C/raxmaan C/shakuur iyadoo aan xaaladda sharci la isla tegin.

Waxaa kaloo arrinta ku soo biiray odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo ku dhow 40 oday, kuwaasoo guddoon ka dhigtay Imaam Maxamed Yuusuf oo dhinacooda madaxda dowladda ka dalbaday inay la kulmaan siyaasiga xiran ee C/raxmmaan C/shakuur Warsame.

 

Dhinacyada ku howlan sidii loo sii deyn lahaa siyaasiga ayaa ujeedkoodu yahay in arrinta xeerjajab lagu dhammeeyo, iyadoo aysan xaaladu gaarin maxkamad, taasoo dhici karta inay halis kale ka timaado.

Madaxda dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir oo ay wehliyaan odayaasha ayaa Caawa shirarkoodu socdaan. Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay inay Ra’iisal wasaare Kheyre ka dalbadeen inuu gacantooda soo geliyo C/raxmaan C/shakuur ayna sugayaan, iyadoo aysan jirin wax damiin ah oo lagu sii deynayo, balse uu yahay nin aan dembi lahayn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON