Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si fudud ku aqbalay qorshe uu muddo sanado ah diidanaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Qorshahan ayaa ah mid loo dejiyay DIB U DHISKA CIIDAMADA SOOMAALIYA, kaasoo lagu ansixiyay shirkii ugu horeeyay ee ay yeesheen madaxda cusub ee dowladda Federaalka iyo madaxda maamul Goboleedyada oo dhowaan ka dhacay Muqdisho.
Qorshahan oo loogu magac daray “National Security Architecture ” ayaa lagu dhisayaa ciidamo qaran oo ka kooban 18,000 askari oo maamul Goboleed waliba uu ku yeelanayo 3000 askari, waxaana arrintan uu madaxweynihii hore ku diidanaa inay keeni doonto ciidamo u kala qeybsan maamul goboleed oo xilli kasta degaan ahaan u kala jabi kara.
Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa ahayd sida ciidamadan loo dhisayo, cidda amarka yeelaneyso iyo halka ay xerooyinkoodu noqonayaan, waxayna Beesha caalamka oo riixeysay arrintan ay xoogga saartay in maamul goboleedyo kaalinta ugu weyn yeeshaan, taasoo uu ka hor yimid Xasan Sheekh.
Arrinta kale ee halisteeda leh kuna jirta qorshahan ayaa ah in ciidamada dowladda Soomaaliya u diiwaangashan xilligan aysan ka mid ahayn ciidamada loo dhisay Soomaaliya, taasoo noqoneyso halis kale oo amni ahaan iyo sharciyad ahaan aysan xalin karin dowladda Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixay qorshahan iyadoo wararku sheegayaan in looga digay, balse ay culeys ku saareen dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, waana arrinta ugu weyn ee looga hadlayo shirka London ee bisha May horaanteeda ka furmaya magaalada London.
Goobjooge.com