Sunday, July 13, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay ololaha musharixiin uu wato oo tirsan Beesha Abgaal

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay inuu u ololeeyo xildhibaanno uu doonayo inay kusoo baxaan Baarlamaanka soo socda ee Federaalka si uu u xaqiijiyo rajadiisa ah in dib loo doorto.

Goobjooge.net ayaa ogaatay in Madaxweyne Farmaajo uu u diyaar garoobayo doorasho dadban, isagoo xaqiiqsaday inaysan suuragal ahay doorashada uu ku dheganaa ee QOF & COD, wuxuuna dhowaan go’aansaday inuu soo xusho dadaalna ku bixiyo sidii uu kusoo saari lahaa xildhibaano saaxiibo la ah oo isaga taageera.

Xogta ayaa sheegaysa inuu Beesha Abgaal ka xushay xubno aad ugu dhow oo uu doonay inay ku soo baxaan Baarlamaanka soo socda, waxayna kala yihiin: Salaad Cali Jeelle, Cabdi Jiinow Calasow iyo xubno kale oo weli xulistoodu socoto, isagoo ku taageeri doona inay soo galaan Baarlamaanka Soo socda.

Salaad Cali Jeelle oo ka mida la-taliyeyaasha madaxweyne Farmaajo ayaa kursiga Baarlamaanka waxaa kula tartami doona Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, waxaana aad u yar rajada musharaxa uu wato Madaxweyne Farmaajo ee Salaad Cali Jeelle, halka kursiga uu la doonayo Cabdi Jiinow uu hadda ku fadhiyo C/qaadir Cosoble oo ka mida mucaaradka ugu weyn dowladda Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in meesha laga saaro wasiirka Amniga Maxamed Aburka Islow oo musharax kale uu doonayo inuu kursigiisa Baarlamaan uu kusoo baxo, waxaana inuu arrintan kala hadlay Imaamka Beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf oo uu dhowaan kulan gaara ugu yeeray si uu ugala hadlo arimaha doorashada Dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON