Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa baajiyey kulan ay dalbadeen xildhibaanada wada mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Jawaari.
Kulankan oo lagu waday inuu xalay ka dhaco Madaxtooyada ayaa waxaa markii ugu dabeysay joojiyey madaxweyne Farmajo oo u sheegay inay waqti kale siiyaan oo aanu diyaar u ahayn xilligaasi.
Ilaa 50 xildhibaan oo ka mida kuwa ugu cadcad ee hor boodaya Mooshinka ayaa doonayey inay la kulmaan madaxweynaha si ay wax uga weydiiyaan tallaabada xigta ee la qaadayo kadib markii uu soo dhex galay mooshinka oo uu hakiyey kulankii Sabtida.
Xildhibaannada taageersan xukuumadda ayaan ku qanacsaneyn qaabka madaxweyne Farmaajo arrinta u wado iyadoo aan warbixin ka heynin qorshihiisa ku aadan mooshinka Jawaari, waxayna xildhibaannadan qaarkood saaka bilaabeen inay madaxweynaha eedeeyaan.