Thursday, June 26, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ku biiray xubno doonaya in Waanwaan lagu qanciyo Guddoomiye Jawaari

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulamo is daba joog ah la leh xildhibaano, Wasiiro iyo madaxda dowladda Federaalka si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Baarlamaanka iyo xukuumadda.

Dhinacyada uu la kulmay madaxweynaha ayaa kala ah: Guddoomiye Jawaari, ku xigeenada Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddia Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha, xildhibaannada mooshinka wada iyo kuwa kasoo horjeeda, isagoo ka dhageystay xalka mooshinka  guddoomiyaha Jawaari.

Dadaalka madaxweynaha ayaa ku saabsan in laga baaqsado in mooshinka Jawaari ku dhammaado cod iyo in la guda galo dooda Mooshinka, waxaana xoogeystay qorshe ay wadaan xildhibaanno is xilqaamay oo doonaya in xaaladda mooshinka Guddoomiye Jawaari si hoose loo dhaqo.

Guddoomiye Jawaari oo hore u diiday inuu is casilo ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu xoogeystay culeyska lagu saarayo inuu tanasulo, iyadoo arrimo dhowr ah ay miiska saaran yihiin, inkastoo aan hubin in lagu guuleysan doono qancinta Jawaari.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON